baaq lagu codsanayo fikrado mashaariic

BAAQ LAGU CODSANAYO FIKRADO MASHAARIIC
Gobolka: Soomaaliya
Qiyaasta Miisaaniyadda: US$ 200,000 muddo 18 bilood ah
Muddada kama-dambeysta: 26ka Febraayo 2015 (Habeen-barka, Saacadda Afrikada Bari)
Magaca Maalgelinta: Taageeridda tacliinta sare ee xallinta khilaafaadka iyo nabad-dhisidda
Lambarka Aqoonsiga Maalgelinta: 15A
BAAQ LAGU CODSANAYO FIKRADO MASHAARIIC
Sanduuqa Stability Fund waxaa uu raadinayaa jaamacad, hay’ad khubarro la-talin (think-tank)
ama hay’ado kale oo Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo cilmi-baariseed oo nakhshasheeya/diyaariya (design), qorsheeya oo bixinayana koorsooyin tacliin sare ah oo la xiriira
xallinta khilaafaadka iyo nabad-dhisidda.
Dhisidda kartida degaanka iyo lahaansho dhab ah oo dhinaca geeddi-socodyada xallinta
khilaafaadka iyo nabad-dhisidda waa mid muhiim ah. Maalgelintan la soo jeedinayo
waxaa ay kor u qaadi doontaa ka-qaybgalka dadka Soomaaliyeed ee dokumenti-gareynta,
lafagurista iyo wax-ka-qabashada sababaha ay ka dhashaan colaadaha iyo qaababkooda.
Waxaa ay wax ka soo qaadaneysaa aqoonta iyo caddeynta caalamiga ah ee hababka iyo
geeddi-socodyada xallinta colaadda iyo nabad-shisidda. Waa in sidoo kale ay dhistaa ayna
xoojisaa lahaanshaha Soomaalida – iyo dhab ahaantii hoggaamintooda, iyada oo
tijaabineysa habab kala duwan oo loo filiyo, ugu dambyntana, ballaarineysa waxqabadyo
lagu guuleysto iyo iyada oo ka tegeysa kuwii guul-darreystey.
Fikradaha mashaariicda waa in ay sheegaan sida wax looga qaadan karo aqoonta
caalamiga ah iyo tan goboleed ee xallinta colaadda iyo nabad-dhisidda, laakiin aqoontaasi
waa in lagu kobciyaa waayo-aragnimada iyo fahamka Soomaalida.
Maaliyadda deeq-bixiyeyaasha waxaa badanaa lagu lumiyaa tababarro iyo karti-dhis oo
natiijooyinka la taaban karo ee waara ee laga helo ay yar yihiin. Sidaa daraaddeed,
fikradaha mashaariicda waxaa lagu qiimeyn doonaa sida ay u yeelan karaan saameyn
socota muddo dheer ka dib marka uu dhammaado waqtiga ay soconeyso maaliyadda uu
Sanduuqu bixinayo.
Codsadayaashu waa in ay soo raadiyaan ayna soo jeediyaan wada-hawlgal farsamo oo lala
yeenayo jaamacado ama hay’ado cilmi-baaris oo ka jira Soomaaliya dibaddeeda, oo
waayo-aragnimo sugan u leh sida cilmi-baaris loogu sameeyo oo loo qaabeeyo (nakhshadeeyo) loona bixiyo koorsooyin. Codsadayaasha soo gala liiska kooban waxaa laga
filayaa in arrimahaan ay ku faahfaahiyaan marxaladda boroboosalka ee soo socota.
Kobcinta wada-hawlgallada noocaan ah waxaa ay leedahay faa’iidooyin ah in bilowga hore
la helo kartida loo baahan yahay iyo sameynta wada-hawlgal muddo dheer socda.
Codsadayaashu waa in u fekeraan si hal-abuur ku dhisan marka ay sameynayaan
fikradahooda mashaariicda. Waxaan raadineynaa fikrado iyo habab cusub waxaana
idiinku dhiirrigelineynaa in aad booqataan www.stabilityfund.so si aad uga heshaan
macluumaad dheeri ah oo ku saabsan ujeeddooyinka iyo maba’diida maalgelinteenna.
GEEDDI-SOCODKA QIIMEYNTA & QANDARAAS-BIXINTA
Qaabka diyaarsan ee loo sameynayo qoraallada fikradaha mashaariicda (oo ay ku jiraan
tirada ereyada ee la xaddidey) waxaa lagu sheegey Lifaaqa I. Codsadayaasha aan raacin
qaabka diyaarsan iyo tirada ereyada ee loo xaddidey waa laga saarayaa tartanka.
Fikradaha mashaariicda waxaa sixi doona guddi qiimeyn oo madax-bannaan oo ka kooban
shaqaalaha Stability Fund, DFID East Africa Research Hub, waxaana suuragal ah in uu ku jiro
khabiir kale oo ka yimaada dibadda hay’adaha, waxaana lagu saleyn doonaa Shuruudaha
Qiimeynta iyo mid walba miisaanka la siiyey ee halkaan hoose lagu sharxay.
Codsadayaasha soo gala liiska kooban ee la soo xulo ayaa lagu marti qaadi doonaa in ay soo
gudbiyaan borboosallo dhammeystiran, waxaana la siin doonaa jawaab celin si looga
taageero in ay sii kobciyaan fikradahooda.
Shuruudaha Qiimeynta
Kartida aad u leedahay in aad maareyso
maaliyado deeq-bixiye.
Kartida uu ururku u leeyahay waxbarid
iyo tababar-bixin, gaar ahaan aqoon
dhinaca xallinta khilaafaadka iyo nabaddhisiddaa
Tilmaanta hindisaha (mashaariicda) lagu
talinayo iyo raadka ay ku yeelanayaan
nabadda iyo barwaaqada Soomaaliya
Ilaa xadka uu saameyn ku yeelanayo
guud ahaan Soomaaliya
Soo-gudbinta
fikradaha
mashaariicda
2015
Qiimeynta
Boroosallada
Qiimeynta
fikradaha
mashaariicd
a
Shirka
Codsdayaasha
Baaqa
Boroboos
allada
Qandaraas-bixin
FADLAN OGOW: Sanduuqa Stability Fund waxaa uu xaq u leeyahay in uu
waqtiyadaa u beddeli karo hadba sida loogu baahdo iyo si isaga uun
go’aankeeda leeyahay, marka laga reebo in waqtiga kama-dambeysta ah ee
Soo-gudbinta Fikradaha Mashaariicdu uu yahay mid aan la beddeli karin oo ah
habeen-barka (Waqtiga Afrikada Bari) ee 26ka Febraayo 2015.
WAQTIGA KAMA-DAMBEYSTA AH EE SOO-GUDBINTA
Fikradaha Mashaariicda waa in la soo gudbiyaa ugu dambeynta 26ka Febraayo 2015 iyada oo
la soo marinayo barteenna internet-ka ee www.stabilityfund.so ama e-mail loogu soo diraa:
[email protected] Ma jiri doono waqti dheeri ah oo la siin doono codsiyada soo
daaha. Keliya codsadyaasha liiska kooban soo gala ayaa lala xiriiri doonaa.
LA SOO XIRIIR
Codsadayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay macluumaad guud oo ku saabsan Sanduuqa
Stability Fund ay ka eegaan barteenna Internet-ka. Haddii aad qabto wax su’aal ah oo la
xiriira geeddi-socodka qiimeynta iyo qandaraas-bixinta, fadlan nagala soo xiriir:
[email protected]
LIFAAQA I: QAABKA AY YEELAYAAN IYO SHURUUDAHA FIKRADAHA
MASHAARIICDA
Hordhac (ugu badnaan 300 erey)
Hordhac kooban oo sharaxaya boroboosalkaaga oo aad dareemeyso in uu gaar ahaan
muhiim u yahay:
 hordhac kooban oo ku saabsan hay’addaada,
 sida ay hay’addaadu ugu habboon tahay ayna u waafaqsan tahay yoolalka iyo
ujeeddooyink SSF; iyo
 xiriirkaa (oo ay ka mid yahay mid mashaariic cilmi-baaris) shaqo ee aad la leedahay
ururrada degaanka – hay’adaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn – hay’adaha
dowladiga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn, marka lagu daro odeyaasha, kaas oo
awood kuu siiinaya qorsheynta/qaabeynta koorso cilmi-baaris ku dhisan.
Waa maxay waayo-aragnimada uu ururkaagu u leeyahay baridda iyo tababaridda, gaar
ahaan dhinaca xallinta colaadda iyo nabad-dhisidda? (ugu badnaan 1,000 erey)
 Bixi tusaalayaal waayo-aragnimo shakhsi ah iyo mid hay’adeed oo la xiriirta dhinaca
qaabeynta, qorsheynta iyo bixinta waxbarasho iyo tababar (gaar ahaan la xiriira
koorsooyin waxbarasho oo muddo dheer socda).
 Bixi tusalaalayaal waayo-aragnimo shakhsi ah iyo mid hay’adeed oo la xiriirta dhinaca
xallinta colaadda iyo nabad-dhisidda. Kuwani waxaa ay noqon karaan kuwo la xiriira
waxbarashada iyo cilmi-baarista, iyo/ama gaar ahaan waayo-aragnimo hawlqabad/barnaamij la xiriira.
 Fikrado mashaariic oo wanaagsan waxaa ay bixiyaan faahfaahinta la xiriirta – t.a.
muddada mashruuca, miisaaniyadda, doorka hay’adda, waxqabadyo gaar ah oo la qabtey,
iyo natiijooyin la xaqiijiyey.
Maxay yihiin habka iyo hannaanta aad soo jeedinayso ee qaabeynta (nakh-shadeynta),
qorsheynta iyo hirgelinta koorso tacliin sare oo ku saabsan xallinta colaadda iyo nabaddhisidda? (ugu badnaan 1,000 erey)
 Sidee ayaad wax uga soo qaadaneysaa aqoonta iyo waxbarashada caalamiga ah ee la
xiriirta xallinta colaadaha iyo nabad-dhisidda si aad u hubiso in manhajka la horumariyey
uu ku fadhiyo xaqiiqo iyo hab casri ah? Sidee ayaa kuwani loo dhexgeliyaa waayoaragnimada iyo wacyiga Soomaaliya?
 Waa maxay habka iyo qaabka waxbaridda/tababaridda ee aad ku talineyso? Sidee ayaad
ku ogaatey in qaabkani uu taabogal yahay (t.a. adiga oo soo xiganaya waayoaragnimadaada iyo/ama hababka ugu wanaagsan ee tababarka iyo cilmiga aasaaska u ah
waxbarashada (pedagogy)?
 Habkee soo jeedinaysaa in aad u korjoogteyso una qiimeyso sida uu yahay
waxqabadkaaga ku aaddan sida xirfadaha iyo waayo-aragnimada aad ugu gudbineyso
ardayda?
 Muxuu yahay waqtiga tilmaan-qaadashada ah ee aad ugu baahan tahay
qaabeynta/nakh-shadeynta, qorsheynta iyo hirgelinta koorso tacliin sare ah?
Maxaad soo jeedineysaa in aad sameyso si aad u gaarto isku-filnaansho maaliyadeed?
(ugu badnaan 500 erey)
 Waa maxay wada-hawlgalka iyo iskaashiga aad qorsheyneyso in aad cid kale la yeelato si
aad uga soo baxdo hawlahaan? Sidee tahay xaaladda heshiiska wada-hawlgalladaasi (t.a.
hadda ma jiraa, ma laga wada munaaqashoonayaa ama mabda’ ahaan ayaa loogu
heshiiyey)? Qaab sidee ah ayuu yeelanayaa heshiiska wada-hawlgalka?
 Maxay yihiin istiraatiijiyadaha aad qorsheyneyso in aad dejiso si aad u gaarto iskufilnaansho
maaliyadeed ka dib marka ay dhammaato maaliyadda laga helayo SSF?
Kartida uu ururku u leeyahay maareynta maaliyad deeq-bixiye (ugu badnaan 500 erey)
Bixi caddeyn la xiriirta mashaariic hore oo uu maamuley ururkaaga kuwaas oo aad ku
maareyseen maaliyado deeq-bixiye. Tilmaan ka bixi siyaasadaha iyo geeddi-socodyada aad
urur ahaan leedihiin si aad maaliyadaha ugu maamushaan si hufan.
Miisaaniyad laga tilmaan qaato
Fadlan hawsha aad soo jeedineyso ku soo dar miisaaniyad laga tilmaan qaato –
miisaaniyado faahfaahsan ayaa loo baahan doonaa marxaladda diyaarinta
boroboosalka.
Sida laguula soo xiriir karo
Sheeg magaca, darajada iyo cinwaanka buuxa ee madaxa fulinta ee ururkaaga ama qof
loo igmadey in uu codsan karo maaliyad.