Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda Sanadkii dhamaaday

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Wasaaradda Maaliyadda
Xafiiska Wasiirka
Xaf
XafiiskaWasiirkuxigeengka
‫جمهورية الصومال الفيدرالية‬
‫وزارة المالية‬
‫مكتب الوزير‬
The Federal Republic of Somali
Ministry of Finance
Office of the Minister
Xaf
XafiiskaWasiirkuxigeengka
Waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda
Xaf
Sanadkii
dhamaaday
XafiiskaWasiirkuxigeengka - 2014
I.
HORUMARKA XAGGA MAAMUL WANAAGA IYO MAARAYNTA




II.
Horumarinta Bangigg Dhexe ee Soomaaliyeed.




III.
Waxaa la abuuray Guddi u xilsaaran maamul-wanaaga iyo ilaalinta dhaqaalaha
Guddigan wuxuu bilaabay in uu dib u eegid ku sameeyo qandaraasyo ay
dowladdu horey u saxiixday si loo hubiyo waxtarkooda iyo in si sharci ah loo
bixiyay.
2014 Guddigu wuxuu dib-u-eegis ku sameeyay ilaa sideed qandaraas oo horey
loo saxiixay. Guddigu wuxuu u gudbiyay golaha wasiiradda iyo xafiiska Ra’iisul
Wasaaraha talooyin ku aadan qandaraasyadaas, go’aanno ayaana dowladdu ka
qaadandoontaa dhawaan.
Wasaaraddu waxay hordhigtay golaha wasiiradda xeerka iibsiga qaranka kaas oo
la isku raacay loona gubiyay baarlamaanka.
Waxaa la dhisay guddigii sare ee bangiga dhexe waxaan la magacaabay
gudoomiye cusub ee bangigga dhexe.
Waxaa horay loo qaaday mumulwanaagii bangigga iyada oo la adkeeyay
xeerarka iyo habka loo maareeyo dhaqaalaha iyo xisaabaadka bangigga dhexe.
Waxaa kor loo qaaday awooda aqooneed ee shaqaalaha bangigga iyada oo lagu
kabay aqoonyahano iyo khubaro la soo xulay.
Waxaa dabagal xoogan lagu hayaa hantidda ka maqan qaranka Soomaaliyeed
Qorshaha Maaraynta Maaliyadda Dowladda (PFM)
i.
ii.
Wasaaraddu waxay hormuud ka tahay qorshe cusub oo loogu talagalay in lagu
maareeyo dhaqaalaha dowladda laguna tayeeyo habka loo maamula dhaqaalaha
dowladda oo dhan.
Si loo hirgaliyo qorshaha maaraynta dhaqaalaha ee cusub, wasaaraddu waxay fulisay
qodobodda hoos ku qoron:
_______________________________________________________________________
Ministry of Finance-Villa Somalia
Mogadishu, Somalia
Email: [email protected]; [email protected]
Tel: +252-1-941064; +252-61-7088808






IV.
Waxaa la magacaabay Hanti-dhor Guud iyo Xisaabiye Guud.
Waxaa la diyaariyay oo laga ansixiyay golaha wasiiradana xeerar cusub ee ay ka
mid yihiin: Sharciga Hanti-Dhowrka Qaranka, Sharciga Maaraynta Dhaqaalaha
iyo Sharciga Iibsiga Qaranka. Sharciyadaas waxay horyaaliin golaha
baarlamaanka.
Waxaa la diyaariyay xisaab xirkii sanadkii 2013 waxaan loo gudbiyay oo hubiyay
hanti-dhowr qaranka. Waxaa lagu guda jiraa xisaab xirka sanadka 2014.
Waxaa lagu guulaystay in loo gudbiyo Golaha Shacabka xisaab-xirkii 2013 oo uu
hubiyay hanti-dhowrka guud ee qaranka.
Waxaa markii ugu horaysay la dhaqan galiya qaybtii koowaad ee Nidaamka
Macluumaadka Maamulka dhaqaale (Financial Management Information System
- FMIS). Nidaamkaan cusub wuxuu wax badan ka badali doonaa hab maamulka
iyo xisaabaadka dhaqaalaha dowladda.
Habkan cusub waxaa la socda oo la hirgaliyay habka guud ee xisaabaadka
qaranka, xeerka dhaqaalaha safaradda, buugga tixraaca xisaabaadka iyo bixinta
dhaqaalaha iyo sharciyadda shaqaalaynta.
Miisaaniyadda iyo Dakhliga





Sanadka 2014, Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay kor u qaado dakhliga
canshuuraha iyo qidmooyinka ee dowladda u soo xaroon jiray.
Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay kor u qaado 29% dakhliga guud ee
dowladda.
Dowladdu waxay ku guulaysatay in ay kor uqaado 43% deeqaha aynu ka helo
saaxiibadeena caalamka.
Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay si joogto ah u bixiso mushahaarka
shaqaalaha dowladda.
Wasaaraddu waxay ku guulaysatay in ay si dhamaystiran ay u daboosho
miisaaniyada halbowlayaasha qaranka sida: Madaxtooyadda, xafiiska Ra’iisul –
wasaaraha, Baarlamaanka iyo ciidamadda qalabka sida.
Mahadsanidin.
_______________________________________________________________________
Ministry of Finance-Villa Somalia
Mogadishu, Somalia
Email: [email protected]; [email protected]
Tel: +252-1-941064; +252-61-7088808