BAAQ LAGU CODSANAYO FIKRADO

BAAQ LAGU CODSANAYO FIKRADO
Gobolka: Soomaaliya
Qiyaasta Miisaaniyadda: £200,000 ilaa £500,000 halkii mashruuc muddo ilaa 4 sano ah.
Miisaaniyad wadarteedu tahay £1,200,000 ayaa loo hayaa tiro mashaariic ah.
Muddada kama-dambeysta: 26ka Febraayo 2015 (Habeen-barka, Saacadda Afrikada Bari)
Magaca Maalgelinta: Taageeridda bixinta cilmi-baaris tayo sare leh oo lagu helo Soomaaliya
Lambarka Aqoonsiga Maalgelinta: 15B
BAAQ LAGU CODSANAYO FIKRADO MASHAARIIC
Sanduuqa Stability Fund, oo ay wada hawlgalayaan DFID East Africa Research Hub, ayaa
raadinaya taageerada hay’ad ku jiheysan cilmi-baaris oo Soomaaliya ka jirta si loo dhiso
kartida cilmi-baarista ee heer degaan iyo heer qaran. Tani waxaa ay noqon kartaa jaamacad,
hay’ad khuburro la-talin (think-tank), xarun cilmi-baaris ama shabakad xirfadlayaal. Baaxadda
cilmi-baaristu kuma koobna oo keliya nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta iyo ka-hortagga
colaadda; ee waxaa ay sidoo kale u furan tahay mowduuc kasta.
DFID waxaa ay karti/awood cilmi-baaris ku qeexdaa, “awoodda shakhsiyaad, ururro/hay’ado
ama nidaamyo u leeyihiin in ay si taabogal ah oo hufan u fuliyaan ayna u qaybiyaan cilmibaaris tayo leh”. Haddaba, karti/awood cilmi-baaris waxaa loo tixgelin karaa saddex heer –
heer shakhsi, mid hay’adeed/urur iyo heer deegaan/hannaan:
 Shakhsi: kobcinta cilmi-baarayaasha iyo kooxaha iyada oo la adeegsanayo tababarro, deeqo
waxbarasho iyo hagid, si ay u qaabeeyaan/nakh-shadeeyaan cilmi-baaris, u qoraan ayna u
nashriyaan cilmi-baaris, oo ay saameyn ugu yeeshaan kuwa go’aamada gaara;
 Hay’ad/urur: kobcinta kartida waaxaha cilmi-baarista ee jaamacadaha, hay’adaha
khubarrada la-talinta (think-tank) iyo xarumaha cilmi-baarista si ay u maalgeliyaan, u
maareeyaan una joogteeyaan hawshooda;
 Nidaam: beddelaad muddo ka dibba lagu sameeyo “xeerarka ciyaarta” iyo iyada oo wax
laga beddelayo qaababka dhiirrigelinta, xaaladaha siyaasadeed iyo xeer-maalmul iyo
kheyraadka salka u ah ee oo cilmi-baarista loo sameeyo ayna u adeegsadaan kuwa
siyaasadaha dejiya.
Fikradahan mashaariicda waxaa diiradda lagu saarayaa kobcinta kartida heer shakhi iyo/ama
mid hay’adeed. Haseyeeshee, codsadayaasha waa in ay tixgeliyaan sida mashruucoodu uu
ugu habboon yahay, ama uu qayb uga qaadanayo, guud ahaan deegaanka cilmi-baarista ee
Soomaaliya. Ma jirto xaddidaad dhinaca maaddada ama mowduuca ah, iyo sidoo kale mid
nooca waxqabadka ama maaliyadda ah. Haseyeeshee, fikradaha mashaariicda waa in ay
sharxaan sababta mowduuca uu mudnaan ugu leedahay horumarka bulsho – dhaqaale ee
Soomaaliya, iyo sababta uu waxqabadka gaarka ah uu u beegsanayo wax ka qabashada culeys
ama baahi istiraatiijiyadeed oo gaar ah. Waana in arrintan lagu kaabaa caddeyn iyo lafaguris.
Marka uu fikradaha mashaariicda qiimeynayo, sanduuqa Stability Fund waxaa uu miisaan
weyn siin doonaa lafagurista dhibaatada (problem analysis) – sida, daliil cad oo sharxaya
sababta mowduuca iyo waxqabadyada la soo jeedinayo ay mudnaan gaar ah ugu leeyihiin
dhisidda iyo maalgelinta kartida cilmi-baariseed ee Soomaaliya. Fikradaha mashaariicda waa
in sidoo kale ay ka mid ahaadaan caddeyn iyo lafaguris muujinaya in kartida ay leeyihiin cilmibaarayaasha cusub iyo kuwa dhexe ay leedahay nusqaan gaar ah oo ku soo socota
xirfadalayaasha aqoonta waxbarashada.
Tusahan hoose waxaa uu muujinayaa tusaalayaal noocyo waxqabadyo karti-dhisid oo lagu
talin karo.
Shakhsiyaad (ama kooxo/unugyo)
Barnaamijyo deeqo waxbarasho oo
lagu bixiyo heerar kala duwan oo
xirfadda shaqo ee cilmi-baarista ah
Tababarro la xiriira hababka loo
sameeyo cilmi-baarista
Deeqo cilmi-baaris oo la siiyo
shakhsiyaad u muuqda in ay
mustaqbalka wax qaban karaan
Dhisidda cilmi-baaris, maareynta
cilmi-baarista, xirfadaha qoraalka
iyo xirfadaha faafinta/wargaarsiinta
cilmi-baarista
Kobcinta xirfadaha raadinta iyo
qorista borboosallada maaliyadhelidda cilmi-baarista
Hagid iyo taageero joogto ah oo
shakhsi si joogto ah loo siiyo
Tababar la xiriira anshaxa iyo
geeddi-socodka dib-u-eegista
anshaxa
Hay’ado/ururro
Deeqo cilmi-baaris oo ku wajahan baahiyaha
kheyraadka ee jira
Kobcinta iyo dhisidda barnaamijyo hagid oo ku
wajahan ardayda wadda waxbarashada ka
dambeeysa shahaaddada koowaad ee
jaamacadda
Dhisidda kartida dib-u-eegista iyo kobcinta
manaahij heer jaamacadeed ah
Fudududeynta in sida hadda si ka wanaagsan
loo helo qoraal la tixraaco iyo kheyraad kale oo
cilmi-baaris
Taageeridda kaabayaasha aasaasiga ah -- IT,
maktabado, sheybaarro saynis
Taageero la xiriirta maareynta iyo maamulka
Sameynta jaangooyooyinka anshax hay’adeed
iyo/ama geeddi-socod dib-u-eegistooda
Qoraallada la xiriira dhisidda kartida cilmi-baarista waxaa ay tilmaamayaan tiro casharro ah
oo la xiriira waxa mashruuc wanaagsan ka dhiga mid shaqeeya. Kuwaas ayaa halkan hoose
lagu soo koobey, waxaana codsadayaasha lagu dhiirrigelinayaa in ay si taxaddar leh uga
fekeraan marka ay qorayaan fikradahooda mashaariicda:
 Sida ay tahay xaaladda, gaar ahaan, kartidda hadda jirta iyo baahiyaha iyo arrimaha
mudnaanta leh ee la xiriira kartida.
 Barnaamijyada dhisidda kartida oo ay lahaadaan kooxaha degaanka ka jira ee ku hawlan.
 Dhisidda kartida oo la xiriirta waxbarasho. In si taabogal ah loo fududeeyo waxbarashada
ayaa aad muhiim u ah. waxaa laga yaabaa in loo baahdo kartidii lagu dhisi lahaa kartida.
 Waxaa loo baahan yahay in si ballaaran looga fikiro kartida shakhiyaadka. Karti-dhisid
wanaagsani ma ahan in aqoon iyo xirfado cusub la gudbiyo, ee waa in dadka laga
taageero sidii ay u noqon lahaayeen kuwo xaaladda dabakha oo iyagu is wada.
 Waxaa muhiim ah in la xusho ka-qaybgalayaal haysta xirfadaha aasaasiga ah ee loo
baahan yahay si ay uga faa’iideystaan karti-dhisidda; waana in ay ahaadaan kuwo hami u
hayo in ay is-kobciyaan ayna fursad u helaan in ay aqoontooda ka faa’iideystaan.
 Waa muhiim in la tixgeliyo in kartida lagu dhisi karo heer urur/hay’adeed ama heer
deegaan, iyo sidoo kale heer shakhsi. Gaar ahaan, tixgeli in shakhsiyaadku leeyihiin
mihnad waaqici ah oo u oggolaaneysa in ay ka faa’iideystaan xirfadaha.
Intaa waxaa dheer, codsadayaashu waa in ay tixgeliyaan wada-hawlgalid iyo iskaashi
muddo dheer socda, oo la joogteyn karo ayna ka fogaadaan taageero farsamo oo muddo
gaaban socota. Tusaale ahaan, halkii laga adeegsan lahaa la-taliyeyaal caalami ah oo bixiya
tababarro marmar dhaca, waa in laga fekeraa sidee ayaa ay hay’ad cilmi-baaris oo
Soomaali leedahay ay wada-hawlgal muddo dheer socda ula yeelan kartaa hay’adaha kale
ee cilmi-baarista ee ka jira gobolka iyo caalamkaba?
Fikradaha mashaariicda waa in ay si cad uga hadlaan arrimaha dheddigga/labka, gaar
ahaan sida karti-dhisidda cilmi-baarista haweenka wax looga qabanayo loolana soconayo.
GEEDDI-SOCODKA QIIMEYNTA & QANDARAAS-BIXINTA
Qaabka diyaarsan ee loo sameynayo qoraallada fikradaha mashaariicda (oo ay ku
jiraan tirada ereyada ee la xaddidey) waxaa lagu sheegey Lifaaqa I.
Codsadayaasha aan raacin qaabka diyaarsan iyo tirada ereyada ee loo xaddidey
waa laga saarayaa tartanka.
Fikradaha mashaariicda waxaa sixi doona guddi qiimeyn oo madax-bannaan oo ka
kooban shaqaalaha Stability Fund, DFID East Africa Research Hub, waxaana
suuragal ah in uu ku jiro khabiir kale oo ka yimaada dibadda hay’adaha, waxaana
lagu saleyn doonaa Shuruudaha Qiimeynta iyo mid walba miisaanka la siiyey ee
halkaan hoose lagu sharxay.
Codsadayaasha soo gala liiska kooban ee la soo xulo ayaa lagu marti qaadi doonaa
in ay soo gudbiyaan borboosallo dhammeystiran, waxaana la siin doonaa jawaab
celin si looga taageero in ay sii kobciyaan fikradahooda.
Shuruudaha qiimeynta
Saraaxadda hadalka iyo caddeymaha
dhibaatada/arrinta mudnaanta leh ee
dhisidda kartida iyo sida arrintan wax
looga qabanayo
Waaridda iyo tayada wada-hawlgalka la
soo jeedinayo ee ku aaddan cilmibaarista kobcinta kartida.
Halkii ay suuragal tahay, caddeyn iyo
lafaguris kaabeysa sababta uu kani u
yahay midka ugu wanaagsan
Waayo-aragnimada hay’adda iyo
shakhsigu u leeyihiin karti-dhisidda
dhinaca cilmi-baarista
Kartida aad u leedahay in aad
maareyso maaliyado deeq-bixiye.
Soo-gudbinta
fikradaha
mahsaariicda
Qiimeynta
fikradaha
mashaariicda
Shirka codsadayaasha
Baaqa
Boroboos
allada
2015
Qiimeynta
Boroboosalla
da
Qandaraas-siin
FADLAN OGOW: Sanduuqa Stability Fund waxaa uu xaq u leeyahay in uu
waqtiyadaa u beddeli karo hadba sida loogu baahdo iyo si isaga uun go’aankeeda
leeyahay, marka laga reebo in waqtiga kama-dambeysta ah ee Soo-gudbinta
Fikradaha Mashaariicdu uu yahay mid aan la beddeli karin oo ah habeen-barka
(Waqtiga Afrikada Bari) ee 26ka Febraayo 2015.
WAQTIGA KAMA-DAMBEYSTA AH EE SOO GUDBINTA
Fikradaha Mashaariicda waa in la soo gudbiyaa ugu dambeynta 26ka Febraayo 2015 iyada oo
la soo marinayo barteenna internet-ka ee www.stabilityfund.so ama e-mail loogu soo diraa:
[email protected] Ma jiri doono waqti dheeri ah oo la siin doono codsiyada soo
daaha. Keliya codsadyaasha liiska kooban soo gala ayaa lala xiriiri doonaa.
LA SOO XIRIIR
Codsadayaasha waxaa lagu dhiirrigelinayaa in ay macluumaad guud oo ku saabsan Sanduuqa
Stability Fund ay ka eegaan barteenna Internet-ka. Haddii aad qabto wax su’aal ah oo la xiriira
geeddi-socodka qiimeynta iyo qandaraas-bixinta, fadlan nagala soo xiriir:
[email protected]
LIFAAQA I: QAABKA AY YEELAYAAN IYO SHURUUDAHA FIKRADAHA MASHAARIICDA
Hordhac: maxay tahay dhibaatadu? Maxaan ilaa hadda aan ka naqaanaa dhibaatadan? (ugu
badnaan 1,000 erey)
 Maxay tahay dhibaatada gaarka ah ee aad soo ogaatey ee la xiriirta cilmi-baarista ama kartidhisidda cilmi-baarista? Labada midda dambe, ka bixi faahfaahin lafaguristaada ku saabsan
nusqaamaha la xiriira mowduuca/waaxaha, xirfadaha ama nusqaamaha dhinaca hay’adaha.
Si kooban adoo u sheegaya, maxaa arrintan ka dhigaya arrin mudnaan u leh kobcinta kartida
cilmi-baarista?
 Waa maxay macluumaadka, caddeymaha ama lafagurista la hayo ee kaabaya
daraaseyntaada la xiriirta dhibaatada? Maxay yihiin nusqaamaha jira waa sida aad u
fahamsan tahay in ay tahay dhibaatada e?
Maxaad isku dayeysaa in aad xaqiijiso oo maxay yihiin waxa aad soo jeedineyso? (ugu
badnaan 1,000 erey)
 Maxay tahay ujeeddada raadka ugu dambeeya ee mashruuca, maxayse yihiin natiijooyinka
kale ee ka soo horreeya ee uu mashruucu doonayo in uu xaqiijiyo? Waa maxay qaabka iyo
habka kuu qorsheysan ee aad u mareyso xaqiijinta raadadka iyo natiijooyinka?
 Sidee ayaad u maleyneysaa in waxqabadyada aad qorsheyneyso uga dhalanayaan isbeddello wanaagsan?
Maxaad soo jeedineysaa in aad sameyso, marka lagu daro wada-hawlgallada/iskaashiga aad
qorsheyneyso in aad sameyso? (ugu badnaan1,000 erey)
 Waa maxay wada-hawgalka iyo iskaashiga aad qorsheynesyo in aad sameyso si aad uga soo
baxdo hawlahaan? Sidee tahay xaaladda heshiiska wada-hawalladaani (t.a. hadda ma
jiraan, ma laga wada munaaqashoonayaa ama mabda’ ahaan ayaa loogu heshiiyey)?
Qaabab sidee ah ayaa uu yeelanayaa wada-hawlgalka?
 Sidee ayaad u qorsheyneysaa in aad wax uga qabato arrimaha dheddigga/labka, gaar ahaan
karti-dhisidda haweenka ee dhinaca cilmi-baarista iyo/ama sidee ayaad ula soconeysaa kaqaybgalka haweenka ee mashruuca?
Maxay tahay waayo-aragnimada uu ururkaadu u leeyahay kartida cilmi-baarista? (ugu
badnaan 500 erey)
Bixi tusaalayaal waayo-aragnimo shakhsi ah ama mid hay’adeed oo aad u leedihiin fulinta
waxqabadyo karti-dhisid ah oo u habboon xaaladdan. Fikrado mashaariic oo wanaagsan
waxaa ay bixiyaan faahfaahin la xiriirta – t.a. muddada mashruuca, miisaaniyadda, doorka
hay’adda, waxqabadyo gaar ah oo la soo qabtey iyo natiijooyin la xaqiijiyey.
Kartida uu ururku u leeyahay maareynta maaliyad deeq-bixiye (ugu badnaan 500 erey)
Bixi caddeyn la xiriirta mashaariic hore oo uu maamuley ururkaaga kuwaas oo aad ku
maareyseen maaliyado deeq-bixiye. Tilmaan ka bixi siyaasadaha iyo geeddi-socodyada aad
urur ahaan leedihiin si aad maaliyadaha ugu maamushaan si hufan.
Miisaaniyad laga tilmaan qaato
Fadlan hawsha aad soo jeedineyso ku soo dar miisaaniyad laga tilmaan qaato –
miisaaniyado faahfaahsan ayaa loo baahan doonaa marxaladda diyaarinta
boroboosalka.
Sida laguula soo xiriiri karo
Sheeg magaca, darajada iyo cinwaanka buuxa ee madaxa fulinta ee ururkaaga ama qof loo
igmadey in uu codsan karo maaliyad.